Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jmhuuriyadda Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa in uu u ambabaxo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu sheegay in uu ka qeybgeli doono Munaasabad loogu dabeeldegayo Afar Sano guuradii ka soo waregtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8 Bishaan ee Janaayo.

Socdaalka Madaxweyne Farmajo ayaa waxa ku wehlin doona maanta Xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada halka masuuliyiin kale ay ka sii horeeyeen.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa haatan laga dareemayaa diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntiisa,iyada oo lagu arkayo sawirka Madaxweynaha oo la suray Wadooyinka Garoowe.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaayo Garoowe ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda puntland ugu sareysa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa tegi doonaa Magaalooyin ka mid ah Puntland oo uu ka mid yahay Gobolka Mudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media