Madaxweyne Farmaajo oo Maanta furaya Shirka Amniga Qaranka

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka furmaya Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda ugu sareysa madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday Baydhabo ayaa shirkaasi furi doono,iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan madaxweynayaasha Puntland,Galmudug, Hir-Shabeelle,Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo martigelinayo.

Shirkaas oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Sikastaba gaba gabada shirkaas shirkaas socon doona mudo laba cisho ah ayaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ay madaxdu ku heshiiyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor