Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay xildhibaanadii xilka ka qaaday Xaaf

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xalay Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kula kulmay tiro Xildhibaano ah oo ka mid ah kuwii xilka ka qaaday madaxweyne Xaaf.

Kulanka oo ahaa mid uu horay u dalbaday Madaxweyne Farmaajo ayaa waqtigii loogu talo galay oo aheyd maalin ka hor dib-u dhacay sababo la xiriira dhanka Madaxtooyada.

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug kana mid ah Xildhibaanadii la kulmay Madaxweynaha ayaa Dalsan u sheegay in ay ka wada hadleen qaabkii uu ku soo bilaawday khilaafka Galmudug iyo Wadada ay u mareen xilka qaadistii Xaaf.

Sidoo kale waxaa Wararka ay Dalsan ay heleyso ayaa sheegayaan in xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ay ku adkeysteen in ay galayaan Bartamaha Bishaan doorashadii loo balan sanaa ee Madaxweynaha Galmudug.

Kulan labaad ayaa la shaaciyay in markale la isugu imaan doono si xal looga khilaafka dhex yaalla Madaxda Maamulka Galmudug.