Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Taliyaha Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Muqdisho kula kulmay Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhuauser.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabaddu u xirnaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Taliyaha iyo Abaanduulaha XDS iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Saraakiil kale.

Ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda ayaa sheegayo in Kulnkaasi looga hadlay Tababarka iyo Qalabaynta Ciiddanka XDS iyo Hawlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Ciiddamo Maraykan oo tiradooda lagu sheegay Afartameeyo ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa bishii hore u fasaxay Ciiddankiisa inay Hawlgalo duqeymo dheeraad ah ka fulin doonaan gudaha Somalia, kuwaasi oo la sheegay in lala beegsanayo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Dhinaca kale, Hay’adaha Samafalka ee  ka hawlgala Somalia ayaa ka digay in duqeymahaasi lala beegsado Xarumaha iyo Deegaanadda ay ka hawl-galaan.

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media