Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Dhigiisa dalka Mauratania iyo madax kale.

Madaxweynha DFS, Maxamed C/llahi Farmaajo oo shalay ka qeyb galay Shirweynihii 28-ad ee Madaxda Dowladaha Carabta ku yeesheen magaalladda Suweymah ee dalka Urdun waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxdii ka qeyb gashay Kulankaasi.

Madaxdii uu Madaxweyne Farmaajo shalay kula kulmay dalka Urdun waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Maurtania, Maxamed Walad C/casiis, sida aynu ka soo xiganay Wakaalladda Wararka dalkaasi ee Mauritanian News Agency (AMI).

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xiriirka Somalia iyo Mauritania iyo Xaaladdaha ka taagan Geeska Afrika iyo Dalalka Carabta.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmay Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Bin Xuseen Dalaala oo isaga marti-geliyey Shirweynihii 28-aad ee Madaxda Carabta.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay Dowladaha Carabta in loo baahan yahay in la taageero Walaalaha Soomaalida.
Baaqaasi ayuu ka jeediyey Shir-madaxeedka Carabra, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Somalia weli u baahan tahay in laga taageero Soo-celinta Nabad iyo Deganaansho Waarta.


©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media