Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la leh Xildhibaanadda ka soo horjeeda mooshinka Jawaari

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la leh Xildhibaano ka socda garabka Jawaari waxaana uu kala hadlayaa xiisada siyaasadeed Iyo qaabka xal looga gaari karo.

Kulankaan oo ah kulan xasaasi ah waxaa la sheegay in xal loogu raadinayo khilaafka waqtiga dheer soo jiitamayay ee weli u dhaxeya Xukuumadda Iyo guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada kulanka uu la  leeyahay Famaajo waxaa la sheegay in ay yihiin guddi Maanta uu magacaabay Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhinaca kale waxaa warar aan helayno ay sheegayaan in saacadaha soo socda Madaxwaynuhu uu la kulmi doono guddi kale oo xildhibaano ah kana socda garabka gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka C/Weli Muudeey.

 

Wixii ka  so kordha kala socda Radiodalsan.com.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media