Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Turkiga

Ilo ku dhow Xarunta Villa Somalia ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan inuu Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo maanta u ambabaxayo Caasimadd dalka Turkiga ee Ankara, kadib, markii uu dhigiisa dalkaasi ka helay Casuumaad Rasmi ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoggaamin  doono Wafdi Heer Sare, oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano iyo Diplomaasiyiin kale.

Waxa la filayaa inuu Kulan la qaato Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, iyagoo diirada saari doona Taageeradda Dowladda Turkiga ee dhinacyadda Dhaqaalaha, Ammaanka iyo Horumarka.

Madaxweyne Farmaajo waa Booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Turkiga, tan iyo markii xilka Madaxweynaha DFS loo doortay.

Bilowgii isbuucan, Madaxweyne Farmaajo waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Turkiga oo uu ugu hambalyeeyey Doorashadii loogu codeeyey Isbedelka Dastuurka dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media