Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magalada Baladweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in ay goordhow u ambabaxaan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.

Madaxweynaha ayaa Baladweyne u tegi doona in uu la qeybsado Shacabka Baladweyne dhibaatada ka soo gaartay fahataadu uu sameeyey Wabiga Shabeelle.

Garoonka Diyaaradaha Magalada Baladweyne ayaa haatan ah mid xiran oo an wax diyaarad ah ku degi Karin balse Maadxweynaha iyo Xubnaha la socda ay halkaasi  ku tegi doonaan Diyaarad Helicopter ah.

Qaban qaabadii u dambeysay ee safarka Madaxweyne Farmaajo ee Baladweyne ayaa iminka ka socota Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media