Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Hobyo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo weli ku guda jira socdaalkiisii Gobolka Galgaduud ayaa Maanta la filayaa in uu booqasho ku tago Magaalada Hobyo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo xalay ku hoyday Magaalada Cabudwaaq ayaa waxa uu kulamo la qaatay masuuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Magaaladaas,waxaana Maanta la filayaa in uu Magaalada Hobyo uu tago.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan,Wasiiro, Xildhibaano Iyo Madax kale.

Wararka aan ka heleyno Magaalo Xeebeedka Hobyo ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka socdo diyaar garoow ku Aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa Wefdiga Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media