Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalal ka mid ah kuwa ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in Saacadaha soo socda uu booqasho ku tago Saddex dal oo ka mid ah Qaarada Afrika gaar ahaan kuwa ay Ciidamda ka joogaan Soomaaliya.

Xogaha ay Madaxtooyada Dalsan ka heleyso waxa ay sheegayaan in uu Madaxweyne Farmaajo tegi doono Wadamada Jabuuti, Uganda iyo Itoobiya kuwaas oo Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM.

Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha dalalkaas ayaa waxa uu kala hadli doonaa sidii ay ug qyeb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu Arbacadii la soo dhaafay uu iclaamiyay kadib qarixii khasaaraah geestay ee ka dhacay Muqdisho.

Booqashadiisa ugu horeeysa ayuu ku tegi doonaa Magaalada Kambala ee dalka Uganda,isaga oo kulan xasaasi ah la qaadan doona Madaxweyne Yoweri Museveni maadaama dalkaas Ciidamadiisa ugu badan ay joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay Subaxdii ka baaqsaday kulan uu la qaadan lahaa xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo tegay Xerada tababarka Jaziira Ciidamadii ku sugnaana ku amray in ay bilaabaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media