Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay in Cunaqabateynta Hubka Laga Qaado Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Khudbad ka jeediyey shirka London waxaa uu kaga hadlay dhinacyo badan, sida dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag uga hadlay dhinaca amaanka, waxaana uu  sheegay inay ciidanka xoogga iyo AMISOM ay dadaal ugu jiran sidii loo xaqiijin lahaa sugida amniga dalka oo uu tilmaamay in hada uu yahay mid wanaagsan oo la’isku haleyn karo.

 

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in laga qaado cunaqabateenta saaran Soomaaliya, xilili uu ka hadlayey dagaalka Alshabab oo uu sheegay in loo baahan yahay la helo hub ka tayo wanaagsan kan Al-Shabaab, ciidamada ammaankana ay helaan hub casri ah, sidaa darteedna uu codsaday in laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta hubka.

Soomaaliya waxaa cunaqabateenta dhanka Hubka la saaray sanadkii 1992-dii, xilligaasi oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media