Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi oo ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Marxuumka in allaah uu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.

Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha, Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo kamid ahaa xubnaha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada K/Galbeed ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana xalay uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media