Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey geerida Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Allah u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in Meydkiisa la keeno magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor