Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Caleema Saarka Uhuru Kenyatta iyo banaanbaxyo ka socda dalkaasi

Barqada Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa in Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay ka bilaabato Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii labaad ku guuleystay doorasho dhacday.

Madax farabadan oo afkrikaan ah ayaa ka qeybgeli doona Munaasabada Caleemo saarka Madaxweyne Kenyatta waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Shalay gelinkii dambe gaaray.

Ammaanka guud ee dalka Kenya ayaa aad loo adkeeyay,waxana daqiiqad walba soo gaaraya Wufuud heer Caalami ah oo ka qeyb galeysa Munaasabadaas.

Dhanka kale Magaalooyinka qaar ayaa waxaa ka socda banaanbaxyo ay dhigayaan taageerayasha Xisbiga NASA ee uu hoggaamiyo  Raila Odinga.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa lagu arkayaa Wadooyin waaweyn oo ka tirsan dalkaas kuwaas oo ka hortegaya banaanbaxyada ay wadaan taageeraaysaha Raila Odinga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media