Madaxweyne Farmaajo oo goordhow ku wajahan Baydhabo

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow waxa uu gaari doonaa Magalada baydhabo ee Xarunta gobolka Baay halkaas oo manta uu ka furmayo shirka Amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa Madaxweynaha uga sii horeeya baydhabo,waxana lagu wadaa in Madaxweynaha uu furo Gelinka dambe ee maanta Shirka Amniga Qaranka oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxna socota qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha,waxaana sidoo kale halkaasi tegi doonaan madaxda Maamul goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media