Madaxweyne Farmaajo oo Goordhow ka dhoofay M/Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa kale oo uu ka  qeyb geli doonaa Shirweynaha Madaxda Dowladaha Afrika iyo kuwa Midowga Europe, kaasi oo maalmaha Arbacada iyo Khamiista lagu qaban doono magaalladda Abijaan ee dalka Ayfori Koosti.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media