Madaxweyne Farmaajo oo goordhow gaarey Magalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed CAbdullaahi Farmaajo ayaa goordhow waxa ay gaareen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaraadaha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,Wasiiro,xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa haatan loo gelbiyey Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo,iyada oo lagu wado in uu furo shirka Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa waxaa ka sii horeeyey oo shirkaasi ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre, iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Goordhow la socda Sawirrada soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media