Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Amniga Qaranka

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Goordhow ka furmay  shirka Amniga Qaranka,waxaana furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkaas oo Saddexdii biloodba mar la qabto ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.

Shirkaas ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli uu jiro mad madow ka dhex jira Madaxda  Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka,waxaa diirada lagu saari doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa Siweyn loo adkeeyey,waxaana la filayaa in shirkaas oo socon doona mudo laba Cisho ah laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ay madaxdu ku heshiiyeen.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media