Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo  oo galabta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo maalinta berri ah uu  ka furmi doono Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Shirkan oo ah kii 30-aad ee Madaxda Afrika isugu yimaaddaan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay madasha shirkaasi waxaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda hoggaamiyaasha dalalka Afrika.

Magaaladda Addis Ababa waxaa horey ugu sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media