Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku Duubnaadaan oo ay ka shaqeeyaan dib u dhiska Wadankooda.

Maanta oo Jimco ah ayaa fariin lagu daabacay Bogga Facebook-ga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidammada Ammaanka.

HALKAAN KA AKHRISO FARIINTA MADAXWEYNAHA.

Asalamu Calaykum Walaalayaal

Maalinta Jimcuhu waxay kamid tahay maalmaha ugu qaalisan ummadda Muslimka ah, waana maalmaha la badiyo cibaadada iyo xidhiidhinta qaraabada.

Waxaan maalintan qiimaha badan uga faa’iidaysanayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay isku duubnaadaan oo aynu ka fekerno aayeheenna iyo sidaan uga shaqayn lahayn mustaqbalka carruurteenna iyo dib udhisidda dalkeenna.

Shacabka waxaa looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ayna garab siiyaan si ay u gutaan waajibkooda. Sidoo kale Hay’adaha dowladdu waa in ay kasoo baxaan xilka saaran oo ay u adeegaan Shacabka sida ugu hufan uguna degdega badan.

Maalinta Jimcaha waxaa ku jirta saacad ducada la aqbalo ee walaalayaal aan u ducayno dadkii usoo halgamay dalkeenna iyo in ilaahay qalbiyadeenna burcad isku mariyo caqligeenna iyo xooggeennana mideeyo, Aamiin.

Jimce Wanaagsan.
#NabadIyoNolol

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media