Madaxweyne Farmaajo oo Casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada Kenya (Sawirro)

Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalka Kenya ayaa xalay Qasirga madaxtooyada dalkaasi casho sharaf ugu sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo labadii maalin aynu soo dhaafnay ku sugnaa Nairobi.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madax ka tiirsan dowladda Kenya ayaa ku sugnaa madasha Casho sharafta loogu sameeyey madaxweyne Farmaajo iyo Xaaskiisa, waxaana ay timid markii uu booqasho ku tagay madaxweynha soomaaliya Nairob, kadib casuumaad uu ka helay Dhigiisa Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay tan iyo inta la doortay safarkiisa koowaad ku tagay Nairobi ayaa kulamo gaar ah la qaatay madaxda dalkaasi, iyadoo labada madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya ay wada saxiixdeen heshiisyo cusub oo muhiim labada dal.

Halkaan hoose ka Daawo sawirada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media