Madaxweyne Farmaajo oo Caawa kulan la leh taliyayaasha Ciidamada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Caawa Xarunta Madaxtooyada kulan kula leh Dhammaman taliyayaasha ciidamada Nabadsugida,Booliska,Xoogga dalka iyo Asluubta.

Kulankaan oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu taliyayaasha Ciidamada uu kala hadlayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga dalka iyada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Kulanka Caawa ee Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ayaa ku soo aadaya xili la hadalhayo in Berito uu furmo kulanka Baarlaamanka wallow,weli sirasmi ah kulankaasi loo shaacin.

Xildhibaanadda taageersan gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhawaan taliyayaasha Ciidamada waxa ay ku eedeeyeen in aysan dhex dhexaad ka aheyn xiisada Siyaasadeed ee ka dhexjirta Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media