Madaxweyne Farmaajo oo booqday Xero Ciidan oo ku taalla Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah booqday Dugsiga Tabarada Ciidamadda Janaraal Goordan ex Xero Agoon ee Magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku dhiiro galiyay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar ugu socday Xarunta Janaraal Goordan .

Xarunta Dugsiga Tababarada Ciidamada Janaraal Goordan oo ku taallo Degmada Hodan ayaa ah Xero lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa horay Muqdisho ugu tababaray ciidamo fara badan, waxaana xeradan tababarka ka bixiya saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo Koofur Afrikaan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media