Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo oo booqasho uga bilaabatay deegaanada Galmudug

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug u soo gudbay Madaxeeynaha Soomaaliya kaas oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wefdiga madaxweyne farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya.

Boqolaal ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa siweyn u soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo,waxa uuna la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa haatan u bilaawday booqashada uu ku mari doono deegaano ka mid ah Galmudug,waxaana la filayaa in uu booqdo degmooyinka Cadaado, Cabdudwaaq iyo Dhuusa Mareeb.

Hoos Ka Daawo Sawirrada soo Dhaweynta Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media