Madaxweyne Farmaajo oo booqashadii labaad ku tegaya dalka Masar

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Faramajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya aya la xaqiijiyay in Maalinta Berito ah uu safar ugu ambabixi doono Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Ujeedka Safarkiisa ayaa ah Madaxweyne Farmaajo ka qeybgalka Shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo dalkaas isla markaana ay ka qeyb galayaan Madaxda ilaa Shan Wadan oo Afrikaan ah.

Shirka Africa 2017 Forum ayaa qorshuhu yahay in uu furmo 7 Bisha December oo Maanta ah ilaa 9,ka waxaana diiirada lagu saari doonaa horumarka laga gaaray Ganacsiga Qaarada Afrika.

Wadamada ay Madaxdooda ka qeyb galeysa shirkaas ayaa waxa ka mid ah Dalalka Comoros , Ivory Cost, Rwanda iyo  Guinea, iyaga oo halkaasi Khudbad dheer ka jeedin doona.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkaas marti ka noqon doona, isaga oo aan ku laahan doonin wax khubad ah.

Xogaha ay Dalsan heleyso ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo shirkaas uu fursad ugu heysto in uu wadahaal la sameeyo dowladda Imaaraadka Carabta oo Siyaasad ahaan ay iska soo hor jeedaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media