Madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday in dalka uu yeelanayo Dastuur Cusub ka hor Doorashadda 2020-ka

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Framaajo ayaa ballan qaaday Hubaal ka dhigista inay Somalia ka dhici doonto Doorashadda soo socota, iyada oo uu dalka yeeshay Dastuur Cusub.

Ballan-qaadka Madaxweynaha waxaa shalay shaaciyey  Guddoomiyaha BFS, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Mursal C/raxmaan oo ku hadlayey magaca  Madaxweyne Farnmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shirweynihii Dib-u-eegista Dastuurka ee  muddada  3-da maalmood ka socday magaalladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Hadalkiisa ku  sheegay in baadi-goobka Dastuurka cusub uu qaadatay muddo dheer  tan iyo markii diyaarintiisa laga bilaabay dalka Jabuuti sannadkii 2000-.

Waxa uu ku baaqay inay waajib tahay in aad loo  dedejiyo Dhamaystirka Guud ee Dastuurka Cusub, iyadoo Jadwalka Dib-u-eegistiisa la rajeynayo in Dukumentiga cusub uu diyaar noqon doono dhamaadka sannadkan 2018-ka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu xusay in ay Mamaulkiisa ka go’an tahay sidii loo dhamaystiri lahaa dadaalkaasi sida uu jadwalku yahay.

“Waxaa naga go’an inaan dhamayno Dib-u-eegista iyo in la dhamaystiro Dastuurka Somalia dhamaadka sannadkan 2018-ka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, oo intaasi ku daray inuu xilligan yahay waxqtiga saxda ee lagu dhamaystiri doono.

Madaxweynaha DFS waxa uu carrabka ku dhuftay in Keenista Dastuurka Cusub  ka mid ahaa  3-dii qoddob ee furaha u ahaa Ballanqaadkiisa horseeday in la doorto Bishii Feberaayo ee sannadkii hore ee 2017-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media