Madaxweyne Farmaajo oo amray in la baaro Ciddii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa amray taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod in baaritaan lagu sameeyo cidii ka dambeysay amarka lagu galay laguna baaray hoyga Senoter Cabdi Qeybdiid uu ka degan yahay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynaha ayaa Radio Dasan u xaqiijiyay in madaxweynuhu uu amar ku bixiyay in cadaalada la horkeeno cida amartay Ciidamadii weeraray Guriga Sonetar-ka.

Ciidamada Guriga galay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milteriga ah oo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.

Sonater Cabdi Qeybdiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in ciidamadii weeraray Hoygiisa ay bur burin u geysteen agab yaalay isla markaana uu jiro dhaawac ay u geysteen dad rayid ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media