Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Maamul Goboleedyada oo Caawa ku hoyanaya Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa siyaabooyin kala duwan, Waxey Maanta  u gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ujeedka Socdaalka Madaxdan ee Baydhabo ayaa ah sidii ay uga qeybgali lahaayeen Shirka Maalinimada beri ah ka furmaya Magaalada oo ay isgu imanayaan Golaha amniga Qaranka.

Shirkaas oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Sikastaba gaba gabada shirkaas shirkaas socon doona mudo laba cisho ah ayaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ay madaxdu ku heshiiyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor