Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya oo maanta kulan ku yeelanaya Nairobi

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Nairobi ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa kale oo dhici doona kulamo ay la yeelanayaan ganacsatada labadadal.

Waxaa kaloo la filayaa inuu Madaxweynuhu ka qeyb galo Shirweynaha Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD maalinta Sabtida uga furmi doona Nairobi, kaasi oo looga hadli doono Mustaqbalka Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya iyo dalal kale.

Ilaa hal million oo qaxooti Somali ah ayaa la sheegay inuu ku sugan yihiin Xeryo Qaxooti oo ka furan dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Yemen. Dhinaca kale, Booqashadda Madaxweyne Farmajo ee uu ku tegay dalka Kenya ayaa ku soo aaday, iyadoo uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta  bilowgii isbuucan booqasho ku tegay Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose, isagoo la kulmay Ciiddankiisa qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Safarkiisa ayaa ahaa mid aysan ka warqabin DFS, mana jirin Fasax uu ka qaatay inuu gudaha soo galo Somalia, waxayna Tallaabadaasi xadgudub ku tahay Qaranimadda Somalia iyo Haybadda Dowladda Federalka.

Dowladda Kenya ilaa hadda wax raalli-gelin ah kama bixinin Booqashadaasi dhalisay Muran Diplomaasiyadeed, waxaana laga yaabaa inay Labada Madaxweyne si hoose u xaliyaan xadgudubkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media