Madaxweyne Farmaajo iyo Danjiraha Maraykanka u joogta QM oo maanta kulmi doona 

Madaxweyne Farmaajo oo maalintiisa 2-aad booqasho ku jooga dalka Ethiopia waxa uu maanta la kulmi doonaa Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley oo haatan ku sugan Addis Abeba.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Nikki Haley ka wada arrinsan doonaan Xiriirka labada Waddan, Xaalladda Ammaanka Somalia, Khasaarihii Qarixii ka dhacay Isgoyska Zoope, Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab iyo Doorka ay Milliteriga Maraykanka ka qaataan Hawlgalkaasi.

Kulanka Labada Mas’uul ayaa ahaa mid la sii qorsheeyey, laguna soo beegay Socdaalka ay Nikki Haley ku kala bixin doonto 3 dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasi oo kala ah Ethiopia, Koonfurta Suudaan iyo dalka Kongada Dimuqraadiga.

Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley oo shalay Shir Jaraa’id ku qabatay magaalladda Addis Abeba waxay walaac xooggaan ka muujisay Xaalladda Amni-xumo ee ka jirta Somalia.

Waxay tusaale u soo qaatay Qarixii bishan October  14-dii ka dhacay  Isgoyska Zoope, oo ay boqolaal qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen.

Waxay sheegtay inay Dowladda Maraykanka sii wadi doonto Taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay 400 Askar Maraykan ah ku sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasi oo Ciiddanka DFS ka taageera Tababarka, Loojistikada iyo maaraynta Hawlgalladda Qorsheysan.

Hadalka Danjiraha Maraykanka u joogta QM, Nikki Haley  waxa uu ku soo beegmay xilli uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump shaaciyey inay dhimi doonaan taageeradda ay siiyaan Hawlgalladda Nabad-ilaaliyaaasha Caalamka.

Bishii June ee la soo dhaafay, QM wxaay jartay miisaaniyadda Hawlgalladad Nabad-ilaalinta Caalamka, iyadoo ay 14 ka mid ah Hawlgaladaasi ka socdaan dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media