Madaxweyne Erdogan oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Bisha Cas

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga Kerem Kınık iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) Jagan Chapagain.

Hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee qaxootiga, gaar ahaan Suuriyaanka ku sugan Turkiga iyo dalalka ku xeeran, iyo ka shaqaynta sidii Istanbul looga dhigi lahaa saldhigga saadka ee gargaarka bini’aadantinimo ayaa looga wada hadlay intii uu socday kulanka, sida uu sheegay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada.

Dhanka kale, Kınık iyo Chapagain ayaa uga mahadceliyey Erdogaan dadaalkiisa bini’aadantinimo iyo sida uu ajandaha uga dhigay dhibka qaxootiga goob kasta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor