Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa hadalkaasi jeediyey mar ay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaalladda Ankara.
“Ugu yaraan 14 million o oqof oo bdnkooda ah Haween iyo Crruur ayaa ku macluulsan Afrika. Dalal badan oo Reer Galbeedka horumaray waxay diidan yihiin inay wajahn xaalladdaasi Aadminimo” ayuu yiri Erdogan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladaha Reer Galbeedka diideen inay ka qeyb galaan sidii wax loogu qaban lahaa 14-ka million ee qof ee ay Macluusha ku hayso Qaaradda Afrika.
Madaxweynah Turkiga waxa uu tilmaamay inay Dowladiisa sii wadayso inay is-garab taagaan dadka dhibaataysan ee ku nool saboolninmada, isla markaana ay Kaalmo u diyaariyeen Dalalka u baahan Taageeradaasi.
“Inta ay dalalkaasi indhaha ka laabanayaan dad ku nool gaajada iyo saboolnimdda, waxan sii wadi doonaa inaan iyaga is-garab taagno. Kam hadli kartid Arrimha Nbadda iyo Degananshaha ee Adduunka,iyadoo carruurta u dhimanayaan gaajo” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Somalia iyo wixii iska bedelay tan iyo markii uu booqashadii 1-aad ku yimid sannadkii 2011-kii, wuxuuna hoosta ka xriiqay inay Doorashadii Madaxtinimadda ee bishii February ee sannadkan ka dhacday Somalia.
©Radio Dalsan