Madaxweyne Erdogan iyo xubnaha Barlamaanka cusub ee Turkiga oo isku madal lagu dhaarin doono.

Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee dalka Turkiga waxay Kulankooda 1-aad yeelan doonaan bisha soo socota ee July 8-da, si ay u doortaan Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka.

Xildhibaanka ugu da’da weyn Barlamaanka ayaana shir guddoomin doona Kulankaasi oo Guddoomiye cusub lagu soo dooran doono.

Deniz Byakal oo 80-jir ah, kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee CHP ayaa la filayaa inuu noqdo Ku-simaha Guddoomiyaha Barlamaanka cusub inta laga dooranayo Guddoomiyaha Rasmiga.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rajab Dayib oo mar kale 5-sanno loo doortay Xilkaasi waxaa isagana xilkaasi loo dhaarin doonaa Munaasabadda lagu dhaarinayo xubnaha Barlamaanka isla bisha July 8-da.

Golaha Sare ee Doorashadda Turkiga ka dhacday bishan June 24-da waxay si rasmi ahaan  u shaaciyeen Natiijadda Doorashaddii Madaxweynaha iyo Barlamaanka oo isku mar loo codeeyey.

Natiijadda Rasmiga ee Doorashadii dhacday Axaddii la soo dhaafay waxa uu Xisbiga Madaxweyne Erdogan ee Caddaaladda iyo Horumarinta ee AK Party waxay heeleen 295 Kursi oo ka mid ah 600 Kursi ee uu ka kooban yahay Barlamaanka Weyn ee Qaranka Turkiga.

Xisbiga CHP waxa uu galay Kaalinta 2-aad, iyagoo helay 67 kursi, halka Xisbiga kale ee HDP  heleen 67 Kursi.

Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Waddaniyiinta ee MHP waxay heleen 19 Kursi, halka Xisbiga IVI heleen 43 kursi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media