Madaxweyne Barack Obama oo loogu baaqay inuu sida dhaqsaha badan Safiir cusub ugu soo magacaabo Soomaaliya

Qoraalo ay si wadajir ah u saaxiixeen Mudanayaal ka kala tirsan Xibiyadda Jamhuurigaa iyo Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa waxay Madaxweyne Barack Obama kaga codsadeen in uu sida ugumacquulsan u magacaabo Danjiraha cusub ee Maraykanka ugaa wakiilka noqonayo dalka Somalia.

Mudaanayaashaasi oo bishan July 17-dii qoraay Codsigaasi ayaa waxay ku muujiyeen sida loogu baahan yahay in la magacaabo Danjire cusub si taageero loogu geysto dhismaha Somali xooggan oo aad nabad u ah.

Waxay hoosta ka xariiqeen inay Somalia haatan marayso  xilli khatar ah loona baahan yahay in la siiyo taageero micno leh, waxayna ku booriyeen Madaxweyne Obama inuu muddo Toddobaadyo gudaheeda ku so omagacaabo Danjiraha cusub ee Maraykanka  uga wakiilka noqon doona dalka Somalia.

Waxay kaloo qoraalkooda ku muujiyeen inaysan jirin Danjire Maraykan ah oo ka hawlgalay Somalia tan iyo burburkii Dowladnimadda Somalia ee bilowgii sannadkii 1991-kii.

Qoraalkooda waxay kaloo ku xuseen in doorashaddii Madaxweynaha Somalia iyo Barlamaanka Federalka ee sannadkii 2012-kii iyo Ansixintii Dastuurka ay horseeday Dib-u-dhiska Dowladda Dhexe ee Somalia.

Mudanayaasha Maraykanka waxay kaloo qoraalkooda kaga hadleen dhibaatadda ka dhalatay Adeegyadda Xawaaladaha Somalia ee Maraykanka iyo Kenya oo la xiray, waxayna sheegeen inay taasi saamayn xooggan ku yeelatay Qurbo-joogta Soomaalida ee doonaaysa inay Lacago u xawilaan gudaha Somalia.

Mudanayaasha ku saxiixnaa Qoraalkaasi loo diray Madaxweyne Obama ayaa kala ahaa Keith Ellison oo ah Mudanaha keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka, Tom Emmer, Adam Smith, Senotor Amy Klobuchar, Al Franken, Sherod Brown, Erik Paulsen, Stephen Lynch iyo Jim McDermott oo dhamaantooda ka kala tirsan Xisbiyadda Dimquaraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Maraykanka. 

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor