Madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray Colaada Suuriya

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii ku heshiiyay in la riixo abuuritaanka zoon ka caagan xasaradaha oo laga hirgelinayo gobolka muhiimka ah ee Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Hadafka arrintani ayay madaxdani ku sheegeen sidii loo dhameyn lahaa dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Kadib marki ay dhamaadeen wadahadalada labadani hogaamiye, ayuu madaxweyne Erdogan ka sheegay magaalada Ankara in Turkiga iyo Russia ay doonayaan inay ka dhabeeyaan dhameystirka qorshahani.

Heshiiskan ayaa loo arkaa inuu tallaabo weyn oo horay loo qaaday u yahay bilowga wadahadalo nabadeed oo lagu soo dhameynayo colaada sokeeye ee Suuriya.

Gobolka Idlib waxaa hadda maamula kooxaha Islaamiyiinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media