Madaxweynayaasha Somalia iyo Nigeria oo ka qeyb galayo Aaska Askartii Kenya looga dilay Somalia.

Sida laga soo xigtay Madaxtooyadda Kenya waxaa la filayaa inay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Nigeria, Maxamadu Buhaari maanta ka qeyb galaan Munaasabbadda Aaska Qaranka ee loo samaynayo Ciiddankii Kenya ee lagu dilay Weerarkii ay  Alshabaab bishan Janaayo 15-dii ku qaadeen Saldhigii Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Munaasabadad Aaska Askartaasi ayaa la filayaa in maanta lagu qabto Xeradda Milliteriga ee Moi oo 40-Km u jirta Degmadda Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Inta badan Ciiddanka la dilay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen Guutadda 9-aad ee Ciiddanka Kenya ee fadhigooda dhexe ku yaallo Eldoret.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegne ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo Munaasabadda Aaska Askarta Kenya ee lagu dilay Ceel-cadde.

SOMALI PRESIDENT 1 BUHARI1 Hailemariam Desalegn1

©Radio Dalsan