Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo Kulan Khaas ah yeeshay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Djibouti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyn ayaa kulankooda kaga wada hadley xaaladda amniga gobolka, la dagaalanka argagixisada, iskaashiga labada dal iyo xoojinta iskaashiga ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaainta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Djibouti, Mudane Geelle uga mahad celiyay doorka Djibouti ay ku leedahay xasilinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, dalkiisuna uu mar walba garab taagan yahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa magaalada Djibouti uga qeybgalaya Shir Madaxeed ay isugu imaanayaan dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee hoos yimaada hawlgalka AMISOM.


labo madaxweyne 2 laba madaxweyne jabuti

laba madaxweyne 01

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor