Madaxweynayaasha Somaaliland iyo Khaatuma oo Maanta wada kulmaya

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr oo shalay Safar aan horay loo shaacin ku gaaray Magaalada Hargeysa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu Xarunta Madaxtooyada Maamulka Somaliland kulan kula qaato Madaxweynaha Maamulka Somaaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).

Cali Khaliif oo hada Hargeysa ku sugan ayaa Madaxweyne Siilaanyo,kala hadli doono laba qodob oo Muhiim ah,kuwaas oo xog ay heshay Dalsan ay sheegeyso in  ay ka wada hadli doono Wadahadalada Maamulka Somaliland iyo Khaatumo markii Afaraad la filayo in uu ku dhexmaro dalka Jabuuti iyo sidii loo dhaqangelin lahaa qodobadii ka soo baxay heshiiskii horay u dhexmaray labada dhinac.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadli doonaan dagaalada ka soo cusboonaaday qeybo kamid ah Magaalada laas-Caanood ee u dhaxeeya Ciidamada Booliiska Maamulka Somaaliland iyo Dhalinyaro Careysan,kadib markii ciidamadu ay xireen ilaa 50 Oday dhaqameed oo Reer laas=Caanood ah.

Ugu dambeen Cali Khaliif ayaa  laga yaabaa inuu maalinka Barri ah u dhoofo dalka Jabuuti isaga oo halkaasi kasii qabanqaabinaya shirkan wajiga Afaraad ee wada hadalka ah ee u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Khaatumo oo ay dawlada Jabuuti marti gelineyso.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media