Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Sudan oo tagaya dalka Sucuudiga

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda in ay tagaan ku casuumtay Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Suudaan Donald Trump iyo Cumar Xasan Al-Bashiir si ay uga qeyb galaan Shir dhawan ka dhacaya gudaha dalkaas.

Wasaarada arimaha Dibadda dalka suudaan ayaa shaacisay in Madaxweyne Al-Bashiir loo heestay Dambiyo dagaal balse tani ay ka dhigan tahay in hadii madaxweynayasha Suudaan iyo Mareykanka ay kulmaan in xiriirkii labada dal uu dib u soo laabanyo.

Waxa uu rajo wanagsan uu ka muujiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Sudan Ibrahim Ghandou in Bisha soo socota ee July la rajeynayo in dalkaasi Sudan laga qaado cunaqabatenta saaran mudada dhowrka Sano ah islamarkana ay meesha ka baxeyso Mareykanka oo sudan u aqoonsan in ay tahay Wadan taageero waxa reer Galbeedka u yaqaanaan argagaxisada.

Sanadkii 2009 iyo 2010 ayaa Maxkamada Caalamiga ah ee dambiyada waxa ay u jartay warqada soo qabashada Madaxweynaha Sudan Bashir iyadoo ku eedeysay inuu ku kacay xasuuq.dambiyo dagaal iyo gabood falo ka dhacay gobolka Darfur ee dalka Sudan balse waxaan la .ogeen in ay wada kulmi doonaan Trump iyo Cumar Xasan Al-Bashiir.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media