Madaxweynayaasha Dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia oo Kulan uga furmayo Jabuuti.

Shirka Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa lagu wadaa inuu gelinka dambe ee maanta Shir Wada-tashi ah uga furmo magaalladda Jabuuti, kaasi oo ay Madaxda kaga arrinsan doonaan Hawlgalka AMISOM iyo sidii loo dardar gelin lahaa La-dagaalanka Alshabaab.

Kulanka Madaxweynayaasha, waxaa ka horreeyey Kulan ay Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibedda ee Dowladaha qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku lahaayeen magaalladda Jabuuti.

Shirka Wasiiradda Gaashaandhigga dalalka qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxaa guddoominayey Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Dharar Hufane, kaasi oo sheegay in loo baahan yahay in la dardar geliyo Hawlgalka AMISOM si looga guuleysto Alshabaab.

Kulanka Heerka Wasiir oo shalay ilaa saakayto ka socday Jabuuti waxaa looga hadlay Hawlgalka AMISOM, Caqabadaha Taagan iyo Xaqiijinta Ammaanka Somalia.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Faranjesko Madeyra, Taliska Ciiddanka AMISOM iyo Wafuud ka kala socotay QM, Dowladaha daneeya Arrimaha Somalia ayaana Kulankaasi goobjoog ka ahaa.

Ambassador Madeira  oo ka hadlay Kulankaasi, waxa uu tilmaamay inuu Shirku yahay mid muhiim ah, la iskuna af gartay in la qaado Tallaabo kasta oo muhiim ah si kor loogu qaado Awoodda Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Hawlgalka Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM waxay Somalia ku sugnaayeen tan iyo sannadkii 2007-dii, si ay u difaacaan Dowladdii KMG iyo inay Alshabaab ka saaraan gudaha Somalia, inkastoo ay Ciiddanka AMISOM weli ka guuleysan la’ yihiin Alshabaab.

©Radio Dalsan         

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor