Madaxweynaha: ‘’Xildhibaanada waxaan ka codsanayaa in kalfadhigan 8-aad ay la yimaadaan dadaal dheeri ah, waqti badan oo la shaqeeyo iyo dulqaad’’

Muqdisho, April 11, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, hawshii wanaagsanayd ee ay qabteen muddada afarta sanno ku dhow ee baarlamaankan uu shaqeynayey.

“Waxaa sannadkan ina horyaalla hawlo culus oo doorashadu ay ka mid tahay. Waxaan horay iskula garaney inaanay dalka ka qabsoomi karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaase jira nidaam kale oo aan ku heshiinay oo ah doorasho dadban. Baarlamaanka ayaan horkeenaynaa nidaamkaas si sharciyad loogu sameeyo. Mabda’a aan ku shaqeyneyno waxaa uu ku saleysan yahay in aan qabsano waxa aan maanta awoodno, isla markaana aan sharciyad u sameyno waxa aan qabaneyno inagoo wadajirna oo is oggol’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay inuu rajo badan ka qabo in Soomaaliya ay horay ugu sii dhaqaaqi doonto haddii la joogteeyo hannaanka wax isla oggolaanshaha ee haatan goleyaasha qaranka ay ku shaqeynayaan.

“Sidaad wada og tihiin waxaan ku guda jirnaan hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, burburki nagu dhacay kadib. Waxaan Baarlamaanka ka codsanayaa inay waqti badan, juhdi badan iyo dulqaadba geliyaan hawlaha horyaalla kalfadhigan 8-aad ee xasaasiga ah. Waxaa mar dhow la idin soo gudbin doonaa natiijada ka soo baxda kulamada haatan Muqdisho inooga socda ee ku saabsan doorashooyinka. Waajibaadkiina inaad ka gudataan ayaan idin ka fadhinaa , idinkoo weliba eegaya duruufaha adag iyo marxaladda aan mareyno. Wixii aad u aragtaan inay sax tahay inaad nagu waafaqi doontaan ayaan filayaa, wixii aad u aragtaan inaan dib u wada saxnana diyaar baan idin nahay’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Baarlamaankan 9-aad ee Soomaaliya uu yahay kii ugu wanaagsanaa marka loo eego baarlamaanadii waddanka soo marey intii lagu guda jiray hannaanka dib u dhiska qaranimada Soomaaliya ee soo bilowday sannadkii 2000.

Madaxweynaha ka hor waxaa isna halkaasi khudbad ku saabsan waxqabadkii baarlamaanka iyo hawlaha horyaalla ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa si qota dheer uga hadley qorshaha doorashada 2016-ka, dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga iyo xoojinta adeegga garsoorka.

Waxaa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu dambeyn sheegay in baarlamaanka uu xil iska saari doono hawlaha adag ee horyaalla ee muhiimka u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

————————– DHAMMAAD———————————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

IB0A0977
IB0A0954
IB0A0933
IB0A0926
IB0A0930
IB0A0931
IB0A0957

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor