Madaxweynaha: “Weriye Cawke waxa uu ahaa nin wax weyn soo qabtay, taariikhda dalkana baal dahab ka galay”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa hawlwadeennada kaalinta weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatey , shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.
Marxuumka ayaa xaley saq dhexe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor