Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan  Al Shabaab’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in iskaashi iyo wadashaqeyn buuxa oo dhexmara shacabka iyo maamullada dalka ka jira uu soo dedejin karo in la jabiyo kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey dagaalka gobollada dhexe ku dhexmara ciidammada Maamulka KMG ee Galmudug iyo maleeshiyadda  Al Shabaab, ayaa tilmaamey in jabka Al Shabaab ka raacay degaankaasi uu muujinayo in shacabku nabad buuxda doonayaan, diyaarna ay u yihiin inay arkaan cadowga oo gebi ahaanba dalka laga saarey.

“Waxaan ammaan iyo bogaadinba u diraya ciidammada Galmudug guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ay kula jiraan firxda Al Shabaab ee horrey ugu soo jabey Puntland. Waa inaan la siin cadowga fursad uu ku saldhigto, lagana sifeeya dhammaan degaannada dalka ku yaalla ee ay doonayaan inay ku dhuumaaleystaan.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay ciidanka Galmudug.

“Maamullada Puntland iyo Galmudug waxay shacabka iyo caalamkaba tuseen in Al Shabaab laga adkaan karo, lana soo afjari karo dhibaatada ay shacabka ku hayaan. Maamullada kale ee dalka iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa inay iyaguna sidaas yeelaan oo cadowga ka hortaagan horumarka ay iska dul qaadaan’’.

Madaxweynaha, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, ayaa ugu dambeyn ugu baaqey beesha caalamka inay taageero wax ku ool ah ka geystaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya si ay u hantaan amniga iyo nabadda qaranka.

——————DHAMMAAD—————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor