(Akhriso Natiijadda): Madaxweynaha Uganda oo markii 5aad ku guuleytay Madaxtinimadda dalkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda, Badru Kiggundu ayaa galabta ku dhawaaqay inuu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni loo doortay Madaxweynaha Jambuuriyadda Uganda, kadib, markii uu Codbixinta Doorashadda Madaxtinimadda ka helay 60.75%.

Musharaxa Labaad ee ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka, Kizza Besige waxa uu galay Kaalinta Labaad, isagoo helay 35.3%, halka Musharaxa Saddexaad ee Ra’isul-wasaarihii hore, Amama Mbabazi helay 1.4%

Kormeerayaasha Caalamiga waxay si kulul u naqdiyeen qaabkii ay u dhacday Xarigga Hoggaamiyaha Mucaaradka, Kizza Besige.

Dhinaca kale, Madaxweyne Museveni oo 71 jir ah oo Xafiiska Madaxtinimadda fadhiyey tan iyo markii ay Maleeshiyadiisa Hubeysan ee NRM xoog kula wareegeen Talada dalkaasi sannadkii 1986-kii ayaa waxa uu haddana xilka sii hayn doonaa ilaa sannadka 2021-ka.

NATIIJADA DOORASHADA UGANDAUGANDA VOTE 2016museveni©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor