Madaxweynaha Turkiga oo kulan la yeelan doona dhiggiisa dalka Ruushka

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago Magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, kadib markii casuumad uu ka helay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.

Sida uu qorshahu yahay labada hoggaamiye ayaa markii ay wada kulmaan ka wada xaajoon doona dhinacyada horumarka gobolka iyo xaaladda gobalka Idlib ee Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ihlas News Agency.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Moscow, horumarka gobolka ee hadda jira, iyo arrimaha caalamiga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono dhibatooyinka ka jira waddamada Suuriya, Liibya iyo Afgaanistaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne si toos ah ugu kulmaan in ka badan mudo sanad ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor