Madaxweynaha Turkiga oo difaacay Sacuudiga.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa maanta sheegay in  falkii ay Dowladda Sacuudiga ku dishay 47 qof oo uu ku jiray Sheekh Nimri Alnimiri tahay arrin Daakhili oo u gaar ah Sacuudiga.

Madaxweynaha oo la hadlay Saraakiil Maxali ah, lagana baahiyey telefishinka dalkaasi ayaa sheegay inaysan meeshaba oolin in Xiisad laga abuuro go’aanka lagu dilay Shiikh Nimri, wuxuuna xusay inuu go’aanka Sacuudiga mid u gaar Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga.

Waxa uu tilmaamay in kuwa haatan xiisadda ka hurinayo Gobalka maxay uga aamusan yihiin dadka maalin kasta lagu dilay dagaalladda ka socda dalka Syria, oo ay hadda uga qeylinayaan dilka Shiikh Nimr oo keliya.

Madaxweyne Erdogan waxa uu bishii hore booqaday caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, wuxuuna kulan la yeeshay Boqor Salmaan Bin C/casiis.

Turkiga iyo Sacuudiga waxay isku aragti ka wadaagaan Dagaalka ka socda dalka Syria, waxayna rumeysan yihiin haddii uu Madaxweyne Bashaar Alasad ka dego xilka soo dedejin karto dhamaadka dagaalka sokeeye ku-dhawaadka shanta sanno ka socota dalka Syria.

Dhinaca kale, Dowladaha Shiinaha iyo Ciraaq ayaa ugu baaqay Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan inay xaliyaan khilaafkooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay Labada Dowladood dhexdhexaadiyaan.

©Radio Dalsan