Madaxweynaha Turkiga iyo dhigiisa Maraykanka oo ku kula kulmi doona Washington.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu bartamaha bisha soo socoto ee May uu dhigiisa dalka Maraykanka, Donald Trump kula kulmo Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Afhayeenka Madaxtooyadda Turkiga, Ibraahim Kaliin ayaa maanta sheegay inuu Madaxweynuhu casuumaad ka helay Madaxweynaha Maraykanka,. Lana filayo inay Kulankodoa kaga tashadan Xiriirka Labada            Dal, Dagaalka Syria iyo Iraq iyo sidii  Sheekh Fatxullaagi Gulen looga soo masaafurin lahaa Maraykanka.

Dowladda Turkiga waxay Fatxullaahi ku eedeysaa inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashiulmay ee bartamihii bishii July ee sannadkii hore ee ka dhacay dalka Turkiga.

©Radio Dalsan