Madaxweynaha Tanzania oo Booqasho ku tageysa Caasimadda Kigali

Madaxweyne Saamiya Suhulu Xasan waxaa la filayaa inay berrito booqasho rasmi uga bilaabanto  Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali, iyadoo Kulan la qaadan doonta dhigeeda dalkaasi, Paul Kagame.

Madaxweynaha Tanzania oo muddo 2 maalmood ku sii nagaan doonta magaalladda Kigali waxay Madaxweyne Paul Kigambe kala xaajoon doontaa Ajendayaasha danaha Guud ee labada dal, Dhismaha Khadka Tareenka ee isku xiraya labada dal iyo Deganaanshaha dalka Mosombiik.

Tan iyo markii Saamiya Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania waxay booqatay dalalka Kenya, Uganda iyo Burundi, waana booqashadeedii ugu badnayd marka loo eego socdalkii Madaxweynihii ay xilka kala wareegtay ee John Pombe Magufuli.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor