Madaxweynaha Talyaaniga oo magacaabay Ra’iisul-wasaare KMG ah.

Madaxweyne Sergio Mattarella waxa uu maanta Ra’isul-wasaare KMG u magacaabay Carlo Cottarelli si uu u soo dhiso Xukuumad cusub iyo inuu wax ka qabto Siyaasadda Kacsan ee dalkaasi.

Mas’uulka la magacaabay waxa uu ahaa Sarkaal ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF waxa uu Xilkaasi hayn doonaa ilaa ay Doorasho cusub ka dhacayso Talyaaniga.

Magacaabistan ayaa timid, kadib, markii ay Xisbiga Shanta Xiddig iyo kuwa Midigta Fog ku fashilmeen inay dhisaan Dowlad ay Isbahaysi ku yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media