Madaxweynaha Sudan oo sheegay inuu ka walaacsan yahay Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia

Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiirka ee dalka Sudan waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu xalay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo kula kulmay Qasriga Madaxtooyada ee magaalladda Khartoum.

Kulanka Labada Madaxweyne waxay kaga xaajoodeen xiriirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Somalia iyo Sudan.

Madaxweyne Al-bashiir waxa uu sheegay inay Dowladiisa diyaar u tahay inay gacan ka geysteen Soo-celinta Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo  Dib-u-dhiska  Ciiddanka Milliteriga, Boliska iyo kuwa Sirdoonka ee dalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Sudan samayn doonto wax kasta oo lagu soo celinayo Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha DFS, gaar ahaan xoojinta Awoodaha Ciiddanka Somalia iyo sare u qaadista Waxbarashada Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFS oo isagana ka hadlay Kulankaasi waxa uu uga mahadceliyey Dowladda Sudan dadaalka dhinacyada badan ee ay ku taageeraan Somalia.

“Waxaan eegaynaa muhiimadda badan ee Hay’adaha waxbarashadda Sudan, gaar ahaan dhinacyada Tababarka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaasi ku daray inay in ka badan 6,000 oo Arday Somali ah wax ka bartaan Jaamacadaha Sudan.

Waxa kale oo uu ka hadlay Ilaha Dhaqaalaha Somalia, isagoo xusay inay Somalia lumisay in ka badan 65% Xoolaha Nool, wuxuuna Dowladda Sudan ka codsaday inay ka taageeraan dhinaca Xannaanadda Xoolaha.
Ugu dambeyntii waxaya Labada Madaxweyne is-dhaafsadeen Aragti ku aadan Muhiimadda ay leedahay inay Dowladaha Gobalka dhistaan  Urur-gobaleed Dhaqaale, si loo horumariyo wax-soo-saarka ganacsi ee dalalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media